You are currently viewing Talo iyo waano noloshada wax badan ka badali doonta 

Talo iyo waano noloshada wax badan ka badali doonta 

  • Post author:
  • Post last modified:December 15, 2023
82 / 100

kaliya isku noloshada inaad wax ka badasho

1:Waqtigu wuxuu go’aamiyaa qofka aad la kulmeyso Nolosha. Qalbigaagu wuxuu go’aamiyaa qofka aad rabto Nolosha. Laakiin dabeecada iyo dhaqankaagu waxay go’aamiyaan qofka kula joogaya Noloshaada

2. U shaqee sidi in baahidaada oo dhan aysan lacag keliya ahayn,

U noolow si aan xad-dhaaf ahayn, U soco si aan Kibir lahayn, U jeclow si aan shuruud ku xirneyn, Wax u bixi si aan is tus-tus ku jirin.

3. Qabriyada waxaa ka buuxa dad badan oo ku fakiri jiray markaa weynaato ayaad wax wanaagsan sameynaysaa ama sanadka dambe ayaad is bedel sameynaysaa! Ma jirto qof lagula ballamay inuu sii noolaanayo ilaa uu waayeel noqdo. Ha sugin waqti kale, Hadii saaka waaga kuu baryay, Ilbiriqsi kasta aad neefsaneyso waa fursad kale oo Alle ku siiyay ee ka faa’iideyso

4. Goortii Albaab xirmo mid kale ayaa furma; laakiin waxaan inta badan sii eegnaa weliba si shalayto ah albaabki xirmay iyadoo aan arki weyno kan inoo furmay

5. Ha ku raacin muuqaal, way ku qaldi karaan. Ha ku raacin dhaqaale, wuu dhamaan karaa. Dooro qof farxad kuu keeni kara sababtoo ah dhoolacadeyn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin

6. Xiriirku waa sidi Guri oo kale. Goortii dhalada nalka gubato intaa baxdo ma soo iibsatid guri cusub waxaad hagaajisaa guluubka nalka

7. Dhimashada qof noo dhow ama aan naqaanay ma aha inay na xusuusiso ka sheekeynta wixi uu ahaa ama tacsi aan dirno keliya ee waa in ay na xusuusisaa in aan isu diyaarino safarkeena nolosha dambe oo lagu waarayo 

gabo gabo

Talo iyo waano noloshada wax badan ka badali doonta

Nolosho dhan hadii ay hagaagto waxad arkaysa ruux kaa xumynaya hadana waayi maysid aad ku habysd balse wxa marwlaba ku dhawacaya xasuuso aan ka guuri karin maskaxdaada waliba adigoo leh iska saar

Waad heli ruux dhibtaada kugu daawada hadana dheeftada jeclaada lakiin mahelaysid  ruux farxdaada sugi kari waaya murugtaadana ka ducysta  wanagaagana raadiya  ilaa dhif iyo labo mooye

Uma malynysd marrka qaar  inad ka caafimdo dhaawcyda ay dadka qaar ku gaysnayn hadana ma awoodid inaad kacarrto dadka kuxanuujinaya mrwlba

ixtiramku wuxu raaligaliya nolosha qof wlba hadii lagu qadarin waayo wxad waayysa farxdaada si laguu sharfo  wxad qiimo uyeesha bashar wlba o aad argti ahaan istaqanaan