maxaad ka taqanaa gorgorka ?
Table of Contents
Shinbirka gorgorka oo ka mid ah haadda waaweyn ee ugaarsata, ayaa leh astaamo
dhawr ah oo kaga duwan yahay shinbiraha la jaadka ah, kana dhiga mid cajlib ah.
Astaamahaas oo ah kuwo noloshiisa iyo
shakhsiyaddiisa tayo gaar ah u yeela, ayaa waxa ay keenaan in dadku jecleystaan dabeecadaha gorgorka, maaddaama uu yahay
mid si gobannimo leh u nool. Iyada oo ay weliba dadka gorgorka sida fiican u yaqaannaa sheegaan in qaar badan oo ka mid ah dabeecadaha gorgorka uu dadku uga dayan
karo, maaddaama ay yihiin kuwo gab, sharaf iyo gobannimo ku dhisan, waxaana
astaamahaas ka mid ah:
1. Waa mid gooninnimo jecel: gorgorku waxa uu caan ku yahay, jecel yahayna in uu keligiis ahaado marka uu duulayo, ugaarsi tegayo,
ama damaashaadayo. Taas oo ka dhigan in aanu ku tirsaneyn noole kale.
Dulucda: intii karaankaa ah isbar in aad kaligaa sameysatid wax badan oo muhiim kuu ah, adiga oo adeegsanaya awoodahaaga shaksiga ah
2. Cid aan u qalmin ma raaco: gorgorku haddii uu cid la rafiiqayo, la ugaarsi tegayo ama kaashanayo waxa uu naftiisa ku lammaaniyaa gorgor kale, ee ma raaco tukayaasha, baqalyada, galeyrka, iyo shinbiraha kale. Tani kama dhigna in uu isla weyn yahay, ee waxa ay ka dhigan tahay in uu naftiisa kala hanweyn yahay in uu wakhti ku dhumiyo cid aysan awood ahaan, cagli ahaan, iyo caawimaad
ahaanba isla jaanqaadi karin.
Duluca: si aad u nogotid qof tayo leh, la rafiia dad tayo leh.
3. Waa mid aragti togan: gorgorku waxa uu arki kaarkaa meel u jirta 5 kiiloomitir, taas 0o ka dhigan in uu leeyahay dirad xooggan,
oo aan hareeraha ku mashquulin, iyo aragti toosan oo heer sarreysa.
Duluca: si fican uga shaqeysii maskaxdaada,
si aad u aragtid yoolal waaweyn oo kugu
habboon laakiin fogfog, adiga oo iska ilaalinaya in waxyaalaha hareerahaada ka dhacayaa ay kaa mashquuliyaan yoolashaada.
4. Bakhtiga ma cuno: gorgorku kuma habsaamo bahallada ay dileen xawayaannada kale ama kuwa iska bakhtiyay. Keliya waxa uugaarsadaa xayawaan nool, waxa uuna cunaa
hilib uu isagu shaqeystay oo kulul.
Dulucda: naftaada ka ilaali in ay quudato waxyaalo raqiis ah, oo hoos u dhigaya qiimahaaga sida; baryada, tuugonimada,
xanta, beenta, khiyaamada, dhagarta, maalaayacniga iyo wax walba oo aan u
cuntamid qof sharaf leh. Ha cunin bakhtiga.
5. Wuu ku raaxeystaa onkodka hilaaca iyo hanqarka:
xilliyada uu roob xooggani da ayo, ee ay jiraan
Onkod , dhibic iyo biriq awood leh oo shinbiraha kale cabsi geliya, gorgorku waxa uu dareemaa macaanka saxanaxada, waxa uuna
ku dhex damaashaadaa hugunka roobka,
isaga oo ugu danbeyn naftiisa ku jirraba in ay samada u bado, ilaa uu gaaro heer uu hoos u eego-isaga oo quursanaya-daruuraha
roobkii noolaha dhulka jooga oo dhan cabsi gelinayay.
Dulucda: caqabaduhu ma aha albaabada
nolosha adag iyo cirriga, ee waa dariishado aan la wada arag oo
Fursado xanbaar san.
6. Ma saxartiro buulka ilmihiisa: innaga 0o og
in uu Alle si fitro ah noolaha oo dhan hooyooyinkood ugu abuuray naxaris, haddana
hooyada gorgorka ahi hoyga ay caruurteeda
dhigayso kama dhigto mid raaxo badan, ee keliya waxa ay sameysaa buul shinbireed mug ahaan ku filan, cuntana wey u keentaa, si ilmuhu u dareemo in meeshan uu joogaa ay
tahay meel uu jir ahaan kadeed ku dareemayo,
00 uu u duulo.
Dulucda: wax kasta afka ha u gelin cidda aad caawinaysid, si aysan uga helin raaxada kutirsanaanta.
Qofkii aad caawinaysid
gacangabo si uu u istaago bes, laakiin si
dhammeystiran dhabtaada ha ugu seexin si uusan isku dhigan 🦅
gabo gabo
tusaale waxa kugu filan qaacidoyinka gorka kwrn xayanki haduu sidas samaynayoh adigo bila adan ah oo ilahay ku karameyay hadad waxba isku dayi waydo kwrn waa dhibto noloshadu gacantada ayay kujirtaa wadka ka hor qofkasta wuxu jecel yahay nolol qurux badan iyo sharaf inuu ku nolado isku day inaad dhaqaaq samaysid oo aad noloshada wax ka badashid kaliya ayna ka noqon jeclasho kaliya dhaqaaq noloshu waa dhaqaqe shalay sidad ahayd manta hadad ahaato intaa aya fashil kugu filan ..